X

Banaanbax xoogan oo ka socda Muqdisho muxuuse daaran yahay: SAWIRO

Banaanbax xoogan ayaa ka socda Muqdisho oo ay soo qaban qaabiyay culimada Koofurta Somaliya. Caalamka Islaamka ayaa aad uga xanaaqay weerarkii argagixisadu ku qaaday masjidka rasuulkeena csw.

Culimada Koofurta Somaliya ayaa banaanbaxan oo aad u balaadhan ka diyaariyay magaalada Muqdisho iyagoo ku muujinaya sida ay uga xunyihiin weerarkii argagixisadu ka fulisey masjidka rasuulkeena.

Banaan baxa ay ka qeyb galayaan Culumaa’udiin , Masuuliyiin iyo dadweyne aad u badan oo ka kala yimid Degmooyinka gobolka Banaadir ayaa ka bilowday barxada Masjidka Isbaheysiga ee magaalada Muqdisho.

Waxaa lagu canbaareenayaa Banaan baxan weerarka Ismiidaaminta ah ee ka dhacay meel ku dhaw Masjidka Nabawiga ee Magaalada barakaysan ee Madiina, waxaana banaan baxan soo abaabulay Hay’ada Culimada Soomaaliyeed.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.