Banaanbaxyo lagu diidan yahay Trump ayaa ka dhacay dhamaan gobolada Maraykanka. Banaanbaxyada ayaa ku dhawaaqayay cunsuri Trump iima aha madaxweyne, diinay cunsurinimo iyo xagjirnimo.
Trump ayaa maanta la kulmaya madaxweyne Obama iyadoo afhayeen u hadlay madaxtooyada uu sheegay in kulanku aanu ahaan doonin mid sahal ah. Trump ayaa caayi jirey Obama kuna tilmami jiray in aanu madaxweyne ahayn.
Guusha Trump ayaa dadku filayay maadaama uu isticmaalay kaadhka cunsurinimada kuna soo jiitey cadaanka iyo dhamaan kooxaha diimaha ee xagjirka ah.
Lama garan karo sida shacabka caraysan uga jawaabi doonaan madaxweynenimada Trump oo hadda durba la siiyay siyaasada arimaha gudaha iyo ta dibedda.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS