Waxa Dalka Masar ka Bilaamay Carwo Bandhig Buugaaneedkii Heer Caalami ahaa kaas oo ah ka ugu Miisaan iyo Maamus Sareeya, isla mar ahaantaana ugu Baaxada wayn gabi ahaanba Qaarada Africa iyo Bariga Dhexe. Guud ahaan Caalamkana , kaga jira kaalin Sare , laguna Magacaabo (Cairo International Book Fair) .
kaas oo socon Doona Mudo Bil ah Sanadkiina hal mar la Qabto Bandhig Carwo Buugaaneedkan ,ayaa waxa kasoo Qayb Galay Wufuud Heer Caalami, ah isla mar ahaantaana, isaga kala yimid ,Daafaha Dunida sida America, Aasiya, Ustareeliya ,Yurub iyo Dabcan Africa
oo iyadna la Odhan karo si Mug Leh ayay uga soo Qayb Galeen, Dhinaca kale Haddii aan is yara, Dul Taagno Dalka Masar. Cida uuga Qayb Gashay waxa laga Xusi karaa Prime minister Eng Sherif Isma,il, iyo Masuuliyiin Heer Qaran ah oo uu Hogaaminayay . waxa Xusid Mudan Carwo Buugaaneedkan ,in uu Mudo jiray Nus qarni ku Dhaw waa markii ugu Horaysay ee Somali kasoo Qayb Gasho .
Hambalyo iyo Mahadnaq.
Waxan halkan uga Mahadnaqayaa, Walaashay Hodan Maxamed Nuur Faahiye. oo lahayd Fakarkan in Buugaag Dad Dhalinyar ahi Qoreen lagu soo Bandhigo Carwada Caalamiga ah ee Dunida oo Dhami Majiiratay si Miisaan Culus oo ay Yartahay in Qof ku Dhiirado inuu Umadiisa,
Meel Dadyaw kala Duwani isugu Yimaadeen uu ka Dhax iftiimiyo waxay yihiin Dadkiisu. lana Odhan karo Hodan Fakarka ay Keentay waxay Dib usoo Noolaysay Hadalkii ahaa( Reer Awdal waxay Saaxiib u yihiin Aqoonta).
Dhinaca kale Haddii aan isku Dayno inaan Hodan wax Qabadkeeda wax ka Nidhaahno Gobolada Galbeed waxan wada Ognahay, inaan Qoraal iyo ka Badan toona lagu soo Koobi karin. Laakiin Dadkeeda ayaa u Og Miisaanka ay ugu Fadhido Hodan Umadeeda .
Waxan ugu Hambalyaynayaa Marwo Hodan Maxamed Nuur Faahiye Dadaalka Dadkeeda,Dalkeeda iyo Diinteeba ay ugu jirto . Marka Dhinac walba laga Eego waxanan Odhan lahaa Dadka Tusaale Misaan Culus ayay u tahay ,inaan ku Dayano Walaasheen Hodan ayaa aad u Haboon.
Dhiiri galin iyo Hambalyo
Waxan Hambalyo Mugleh isla Mar ahaantaana Miisaan Culus Maamuusna, Dheeh looga Dhigay u Dirayaa Dhamaan Dhalinyada Rag iyo Dumarba leh. ee ku Dhiiraday inay wax Qoraan ,Waliba qoraal kala Wanaagsane Qoraal wax laga Dheefi karo Micno Badana Samayn kara kaaso oo Bulshada, Faa,iido mug leh u leh ,
Somalida waxa la Yidhaahdaa oo uu Caalamku, inta Badan u Aqoonsanyahay waa Dad loogu Yeedho, (Oral Society) Bulsho Hadal yaqaan ah, laakiin aan Qoraal ku Talax tagin Markaa, waxan leehay aad ayaad uga soo Dhex Mudheen Bulshadiina aad la Noolaydeen,
Maskaxdiina, ayaad Tuujaseen Dabadeed wixii kasoo Baxay Bulshada ayaad la Wadaagteen Hambalyo ayaan idiin Leehay.
Haddii Dhinaca Dhiiri galinta u Dhigno waxa Mudan Qofka Banii aadamka ahi, inuu intuu Hadli lahaa Lagana yaabo inuu Waxa uu ka Hadli ama uu ku Hadli Murti Badan ku Milantahay, inuu qoro. ha dhaxlaan ubadkiisa, iyo dadka aduunka uga Dambayn ,Doona Xasuus Dheer ayay Noqonaysaa Qofka waxa uu Qoray.
Bulshada inta wali , Nolol ku Naaloonaysi Akhriyaan Qofkaa Waxa la Dhahaa ma Dhimane waa Dhuuntay. Jismigiisa uunbaa Maqan mar Hadii uu isagu Qoray wax Wanaagsan oo Dadka xasuus ku Reebi kara ayna la Noolyihiin akhriska Buugaagtisa Qofkaasi qoray.
Qofkii in uun wax Akhriyaa akhrisanayo waa Muhiim Qoraalku. Xasuusta Marka Dib loo yara Celiyo Fanaankii Fanaaniintan Soomaaliyeed Aabaha u ahaa Bilaabayna wax Fan la Dhaho Mudane Cabdi Deeqsi Warfaa (Cabdi Sinimoo) Allah SWT Janadii ha ka Waraabiyee Waakii lahaa. (Wixii la Qoraa Quruumo Hadhee muxuu Hadal Qiimo Leeyahay ) Dhinaca walba Qoraalku waa wax aa u Muhiimo Qofku marka uu in Badan wax qoro maskaxdisuna way koraysaa .
Aniga oo ah Aqoon yahan C/xakiim Maxamed Jaamac “Amare” ahna Hawshan Qofkii inta Badan kasoo Shaqeeyay waxan u Mahadnaqayaa Allah SWT igu Guuleeyay Masuuliyaada aan isa Saaray taas oo Ahayd wax aan aad ugu Faraxsanahay inuu Fakarkii ay Walaashay Hodan keentay inaan Anaga oo Gacmaha is Haysana aan ka wada midho Dhalino Allahna SWT nagu Guuleeyay.
Waxan Halkan ku Xusi Doonaa Buugaagta Magacdooda iyo Qoraayada oo Gabdho iyo Wiilalba isugu jira.
1.DAMBASAME :Abwaan Cumar Awjaamac Samatar oo uu Qoray Qoraa:Xasan C/ Nuux Suldaan (Xasan Kayd)
2.Xadaaradii ADAL :oo uu Qoray Qore Shucayb Cabdi Awjibriil.
3.Ma Hubtaa Hamigaaga? :oo uu Qoray Qore Farxaan Maxamud Shirdon (Abwaan Shirdoon)
4.Milgo -Dhawr .oo Qoray Qore Mustafe Dhimbiil.
5. اجعل حلمك جميلا oo ay Qortay Qoraa: Marwo Xaamud Ibraahim.
6.Hamiga Fog $Hanashada Guusha :oo ay Qortay Qore :Fatxiya Jaamac Askar.
7.Garo Intaanad Guursan :oo ay Qortay Qore Sacaada Cumar Cabdillaahi
8.Naq-Soor :oo uu Qoray Qoraa Maxamed Saalax (Abwaan Maare)
9.Xog-Ogaal :oo uu Qoray Qoraa C/fataax Mire Nuur
10.Ka Qiirooday Qaladkii Dhacay:oo uu Qoray Qoraa Axmed Cabdi Ibraahim.(Axmed Sky)
Wabillaahi Tawfiiq.
By: A/hakiim Mohamed Jama “Amare”
M M SHIRDOON
ARAABINEWS