X

Bandhiga hidaha iyo dhaqanka oo maanta oo lagu xirayo magaalada Muqdisho: SAWIRO

Bandhiga hidaha iyo dhaqanka ayaa maanta oo Sabti ah lagu soo xirayaa magaalada Muqdisho. Bandhigan oo ka socdey xarumaha 17 degmo ee Muqdisho ayaa haweenku ku soo bandhigeen dhaqankeena iyo hidaheena aan duugoobeyn.



Bandhiga ayaa waxaa lagu soo bandhigay farshaxan iyo agab dhaqameedyo fara badan oo ay gacmahooda ku soo sameeyeen Haweenka Gobolka Banaadir sida ay sheegtay mid ka mid ah Haweenka soo bandhigay agab dhaqameedyada.



Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya C/qaadir Macalin Nuur iyo Wasiirka Wasaarada ganacsiga iyo Warshada Marwo Khadra Axmed Ducaale ayaa ka mid ahaa masuuliyiintii bandhiga ka qeyb galay.



Barnaamijka Bandhig Carweedka Dhaqanka iyo Farshaxanka intii uu socday waxaa goobta lagu soo bandhigay Cayaaro ka mid ah kuwa Hidaha iyo dhaqanka ah.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.