Muqdisho–Guddoomiyaha Bankiga Premier Jirbil Xassan Maxamed ayaa yiri “Waa bangi ay ganacsato SOomaaliyeed leedahay…. Waxan rabaa inaan dadka u sheego in bangigaan uusan u dhisnayn inuu dadka lacag la sameeyo ee ay tahay ummaddaan SOomaaliyeed ee dhibaatada badan soo martay ee habka dhaqaale ee adduunka laga gooyay inaan ku soo celinno. Falsafaddeenu waxay tahay dadka ka qaada kuna celiya”.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa tallaabo kale oo dalku dhinaca horumarka u qaaday ku timaamay adeegyada cusub ee uu soo kordhiyay bangigani, isagoo ku dhiirri galiyay ganacsatada Soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan maalgelinta dalka.
“Bangigani wuxuu yahay qiimi dheeri ah oo ku soo darsoomay dadaalladii waayadii dambe dalka ka socday runtii, waana wax ummada Soomaaliyeed oo dhan ay ku faanto” ayuu yiri madaxweynaha oo ku amaanay maamulka Premiere adeegga ay dalka ku soo kordhiyeen.
Sidoo kale madaxweynaha ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ku dhiirri galiyay inay adeegsadaan bangiyada noocaan oo kale ah. “Waxaan aad iyo aad ugu dhiirri galinayaa ganacsatada Soomaaliyeed inay adeegsadaan bangiyada, Bankigaan iyo kuwa la mid ah ee bixin kara adeegyada inay isticmaalaan oo ay ku dhaqmaan.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS.COM