X

Bangiga horumarinta Afrika oo qiimeyn ku samaynaya wadada Boorama iyo Saylac

Waxa maanta Boorama yimi wakiilo ka yimi bangiga Afrika oo sheegay inay qiimeyn ku samayn doonan wadada Boorama-Saylac oo dadweynaha gobolku la tacaalayeen in muddo ah laakiin ay ka awood badatey.


Wakiiladan ayaa waxa keenay Boorama hay’ada wadooyinka Awdal iyo Salal oo iyadu ahayd aabaha wadooyinka yaryar ee ka dilaacay mamulka Somaliland.

Sida uu sheegay wakiilka Muuse Biixi ee dhinaca wadooyinka Abokor waxa lagu talojiraa in la bilaabo dhismaha sanadka soo socda taas oo ka dhigan sadex sano maamulka fadhiidka ah ee Muuse Biixi.


Hay’ada Asarda  ee wadadan iyadu la rafaadsan Ayaan helin dhaqaalighii loo baahnaa iyo weliba dhaqaalihii la balan qaaday waxayna noqotey kolba hambo la soo tuuro.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.