X

Barakac xoogan oo ka bilaabmay Boosaaso kadib xabad joojintii la jebiyay

Waxa saaka ilaa xalay ka socday Boosaaso barakac xoogan kadib markii ciidan taabacsan horjooge Siciid Deni uu xalay saqdii dhexe dagaal ku qaaday ciidanka Marayanku tababaray ee ku sugan xeryahooda.


”Horjooge Siciid Deni wixii sii hurinayaa dagaalka iyo barakaca dadka shacabka ah waxana kuu marqaatiya weerarkii xalay saqdii dhexe ee lagu jebiyay ayuu yiri afhayeen u hadlay ciidanka afka qalaad loo soo gaabiyo PSF. Ilo madax banaan ayaa xalay xaqiijay in dib loo riixay ciidanka taabacsanaa Siciid Deni.


Horjooge Siciid Deni ayaa isna dhankiisa sheegay inuu balaarinayo dadaalada loogu jiro soo afjarida dagaalka Boosaaso  waxase uu diidey inuu maleeshiyadiisa kala soo baxo Boosaaso si xalkii isimada loo hirgeliyo.



Waxa barakac xoogan ka socdaa dhamaan xaafadaha u dhow goobta laysku hor fadhiyo, ayadoo dad badan xalay u hoydeen derbiyada xaafadaha magaalada. Horjooge Siciid Deni ayaa diidey inuu maqlo talada isimada dhaqanka.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.