X

Barakicin lagu hayo xaafadaha iyo dhulka ay degan yihiin Somalida magaalada Jinacsani iyo qaylodhaan loo dirayo Ismaamulka

Waxa isa soo taraya barakicin iyo weeraro joogta ah oo lagu hayo Somalida degan magaalada Jinacsani ee Ismaamulka Oromada. Jinacsani oo ay qarniyo wada deganaayeen Somali iyo Oromo ayaa hadda waxa maamula maamul Oromo ah oo ka seexday in uu wax ka qabto weerarada uga imanaya Somalida dhinaca Oromada.

Qoysas beeralay ah ayaa awoodi waayay in ay beeraha fashaan iyadoo hadda lagu jiro xilli roobaadka iyadoo weerarada ay soo qaadayaan Oromadu uu noqdey joogto,,dhaawacyana ay u gaysteen dad beeralay ah.

Qaylodhaantan ayaa ku socota Ismaamulka Somalida Itoobiya si ay dadkooda uga badbaadiyaan in ay dhulkooda ka barakacaan ugana tagaan dad ka imanaya dhinaca Oromada.

Somalida deegaanka Jinacsani ayay la soo daristey dhaqaale xumo maadaama weeraro joogta ah lagu hayo ayna qodan kari waayeen beerahoodii ay ka heli lahaayeen nolol maalmeedkooda.

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.