X

Bare qarxiyay in jaamacada Camuud qas lagu wado maxaase la gudboon jaamacada

Bare sare oo ak mida jaamacada Camuud ayaa ka hadlay qas lagu wado jaamacada oo uu ku tilmaamay mid looga xun yahay horumarka jaamacadu ka gaartey tacliinta ay bixiso oo hadda ah heer labaada kuna socoto heerkii sadexaad.


Hadalka baraha sare ayaa imaanaya xilli wiil arday ah lagu diley jaamacada taas oo dhamaan aad looga wada naxay, dadka badankooduna ka bixiyeen faalooyin kala duwan sababta dilka keeni karta.

Allaha u naxariistee Ibraahim C/shakuur Ibraahim wuxuu ahaa arday ku jirey sanadka labaad kuliyada farsamooyinka, waxana la qariyay sida askarigu ku dili karo arday ay ku filnayd inuu kaxeeyo oo la raadiyo waxa ka maqan, ayadoo aan ognahay in amniga jaamacadu sugan yahay.


Hadaba maxaaa la gudboon jaamacada

Dilkaa foosha xun oo jaamacadu ku nuux nuuuxsatey in mid la mida dib uga dhici doonin qaasatan dad iyaga hoos yimaada, wuxuu walwal geliyay waalidiin farabadan oo ay soo jiidatey jaamacada Camuud iyo dhamaan gobolka Awdal oo dadka degan lagu yaqaan Soamaali jacayl iyo faquuq la’aan.


Waxa la gudboon Jaamacada in askarta ay waardiyaha ka dhigteen baraan in NAFTU ka weyn tahay qalab yar oo yaala jaamacada oo beri la soo iibin karo, oo markasta si akhlaaqleh ula dhaqmaan ardayda la’aantood ayna meesha waardiye ka noqdeen.

”Wa muhiim in jaamacadu tusaale u noqoto bulshada, dadka jooga jaamacadana ha noqdo waardiye ama macalin wax dhiga ay lahaadaan akhlaaqada ugu saraysa ayuu yiri Xuseen Warsame.


Si kastaba ha ahaatee dilkaa foosha xun wuxuu u noqonayaa jaamacada mid ay wax weyn ugu bedesho nidaamkeeda hadda jira, ayadoo gud ahaan gobolka ay jiran warar shegaya in la rabo wax u dhimida amniga ayuu raaciyay Xuseen Warsame.

Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.