Islamabaad–Wajigabax xoogleh ayaa ku dhacday xulafo beena oo Sucuudigu ku urursanayay waxa loogu yeero Suniga kadib markii barlamaanka Bakistaanka cod dheer ugu qaadeen in ayna ku dhexmilmin xulafadan xaaraanta ah ee dad muslimiina dibedda looga saarayo diinta Islaamka.
Salafiyiinta Sucuudiga oo ah koox diimeed ka talisa Sucuudiga ayaa dagaalka sokeeya ee Yaman la safatay kooxda Xaddi oo hadda ku go,doonsan xaafado yar oo ka tirsan Cadan iyadoo la ogyahay in ay rabaan in ay go,aan.
Argagixisada caalamiga ah oo uu taageero Sucuudiga iyo Salafiga Sucuudiga ayaa diinta dibedda uga saara kooxo diimeedka loo yaqaan Shiico..waana halka kooxda Salafiga ah ee ka talisa Sucuudiga ay u raadsadaan wadamada kale ee Muslimka ah ee loo bixiyay Suniga.
Barlamaanka Bakistaan ayaa ku celiyay in Bakistaan ayna ciidan u direyn Sucuudiga u fuliya kooxo diimeedkeeda Salafiga oo aduunka Muslimka si xun ugu faafay laakiin balanqaaday in uu difaacdo magaalooyinka barakaysan oo runtii aan looga baahnayn iyadoo ayna jirin ciidan Muslim ah oo weerar ku qaadaya magaalooyinkaasi.
Sucuudiga ayaa Bakistaan siiyay 2bliyan oo doolar iyadoo uu ka baqay in lacagta dalkaasi dhulka gasho waxase ay ka xanaaqi doonaan fadhiga barlamaanka.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS