X

Barlamaanka Jubba oo la noqdey rasmi iyadoo madax badani ka qaybgashay iyo digniin uu diray Xasan Sheekh+SAWIRO

Kismaayo–Barlamaanka Jubba ayaa si rasmi ah u dhaqan galay waxana maanta furay Xasan Sheekh iyadoo ay weheliyaan wasiirada arimaha dibedda ee Kiiniya iyo Itoobiya. Munaasabadda oo lagu qabtay Xarunta Caymiska, ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxweynaha Somaliya, Wasiirada Arrimaha Dibadda Kenya, Ethiopia, Wakiilka Igad ee Somaliya, xubno beesha caalamka matalaayay iyo marti sharaf kaloo ballaaran.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubba Sheekh Cabdi Maxamed C/raxmaan oo ka hadlay munaasabadda, ayaa wuxuu meesha ka saaray in masuq maasuq lagu soo xulay Xildhibaanada, sida uu yiri.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka hadlaayay daahfurka Baarlamaanka Jubba ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in Dowladdu taageersan tahay Baarlamaanka Jubba.

Madaxweynaha oo soo hadalqaaday in beelaha qaarkood ay saluugsan yihiin soo xulitaanka Baarlamaanka Jubba ayaa wuxuu Baarlamaanka ugu baaqay in la xaliyo dadka ka biyo diidan soo xulistooda.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.