Muqdisho–Barlamaanka Somaliya oo dhowr mar ku fashilmey in uu cod u qaado sharci ahaanshaha maamulka Jubba ayaa markale isku dayaaya in ay cod u qaadaan. Kulamadii hore ayaa u fashilmey iyadoo aanay jirin kooram buuxa oo lagu qaado.
“Sida aad Ogtihiin muddooyinkaan waxaa jiray mooshinka ka dhanka ah Golaha wakiillada Maamulka jubba oo horay looga Dooday balse aan lagu da galelin sababo la xiriira Tiradii Barlamaanka ee loo baahnaa oon dhamaystirmin maanta oo taariikhdu tahay lixda bisha June waxaa la filayaa in loo Codeeyo Arintaas mooshinka ah iyodoo Barlamaanka la horgayn Doono Hindise Sharciyeedka Xeerka Saxaafadda iyo Hindisaha Shaqaalaha Ajaanibta ah” Ayuu Yiri Xildhibaan Maxamed Cumar
Si kastaba ha ahaatee hogaamiyaha ku meelgaadhka ah ee Jubba Axmed Madoobe ayaa isna taageero ka raadsanaya safiirada jooga Nayroobi iyo Kiiniya oo uu ka helo taageerada ugu badan.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS.COM