X

Barlamaanka Somaliya oo maanta sharciyan dhamaadey xilligiisii inkastoo la kordhiyay iyo kulan jira

Mudanayaasha Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay maanta kulan ku yeeshaan xaruntooda golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo ah hab dhowraha Baarlamaanka ayaa  sheegay in kulanka Baarlamaanka ee maanta uu hor-yaallo ajandayaal dhowr ah.

Xildhibaan Maxamed Cumar ayaa sidoo kale sheegay  in kulanka Baarlamaanka looga hadli doono qodobo ay ka mid yihiin dib u eegista  Dastuurka, ansixinta qaraarka baarlamaanka tobnaad, iyo gudoomiyeyaasha baarlamaanka oo warbxin soo jeedin doona.

Kulanka ay maanta yeelanayaan Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa noqonaya kii labaad kadib fasax dheer oo ay galeen bilowgii bishii Ramadan markaas oo fasax la siiyey.

Barlamaankan fadhiidka ah ayaan habayaraatee qaban hawshii loo igmadey.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.