Barre Hiiraale ayaa ka hadley heshiiskii burburey ee dhexmaray siyaasiyiinta beesha Sade iyo Axmed Madoobe kana dhacay Doolow oo ah xadka Somaliya iyo Itoobiya oo ayna ka qaybgaleen madax ka tirsan Itoobiya. Axmed Madoobe ayaa xilka qaadis markiiba sameeyay inkastoo gudoomiyaha gobolkla Gedo oo uu heshiis la galay waxyar kahor ku tilmaamey khiyaano.
Barre Hiiraale oo la hadley saxaafada ayaa sheegay in Axmed Madoobe waxkale aan lau aqoon khiyaano mooyee. Barre ayaa ugu horeen sheegay in wixii dhacay aanu heshiis ahayn, islamarkaana ay ahayd qiyaano cad oo lagu soo maleegayay qorshe ay damacsanaayeen madaxda Jubba.
Waxa uu daliil usoo qaatay isbedalkii degdega ku yimid markii la wada gaaray heshiiska Doolow, islamarkaana waxa uu tilmaamay in marnaba madaxda Jubba aysan qiyaano la’aan socon Karin.
“Hade Adeer waa la’iska ogaa waxa meesha ka soconaya, sababtoo ah ragaan Kambooniyiinta ah waa kuwo u taagan khilaaf iyo wax la mid ah, sidaa darteedna in meesha aysan wax xalaal ah ka imaaneyn waa la wada ogaa”
“Waxaad eegtaa wixii ka dambeeyay markii ay heshiis ku sheeg gaareen, durba waa kaa reer Gedo leh anaga waan ka baxnay heshiiskaasi, sababtuna waxa ay tahay waxa aysan fileyn ayeey la kulmeen” ayuu yiri Barre.
Sidoo kale Hiiraale ayaa sheegay in markii la abaabulayay qorshahaan uu u sheegay siyaasiyiinta heshiiska galayay in ay iska jiraan, misane aysan ku kadsoomin waxa soconaya, balse ay ka madax adeegeen.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS.COM