X

Beel Hawiye ah iyo beel kale oo qaadacay sida loo qaybiyay gudoomiyeyaasha Muqdisho

Beel Hawiye ah iyo beel kale ayaa qaadacay sida loo qaybiyay gudoomiyeyaasha Muqdisho oo xalay ay kala qaybsadeen beesha Hawiye oo ku shubatey iyo sadex beelood oo kale oo min xubno helay caasimadii dhanayd.

Beesha Hawiye (Saruur H/Gidir iyo Beesha Jareerweyne ayaa ku eedeeyay gudoomiyaha inuu duudsiiyay xuquuqdii ay ku lahaayeen Gobolka Banaadir iyo Caasimadda.



Beesha Saruur ayaa guddoomiye ay ku lahaayeen meesha laga saaray, halka Beesha Jareer oo si weyn u degta Gobolka Banaadir aan lagu soo darin isbedelka Gobolka ka dhacay ee maamulka degmooyinka la gaarsiiyay beelaha Soomaaliyeed.

Xildhibaanada iyo odayaasha beelaha labadan beelood ayaa wada olole ay uga horjeedaan qaabka loo maamulay magacaabidda guddoomiyeyaasha G/Banaadir, waxaana ay raadinayaan sidii ay xaqooda uga heli lahaayeen gobolka laga wada dhex muuqdo.



Caasimada ayay ahayd in Somalidu ka dhex muuqdaan waxase ku shubtey hal beel kaliya oo uu ka soo jeedo gudoomiyaha Banaadir.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.