X

Beerista Bariiska oo dib uga bilowdey Jowhar: SAWIRO

Nawaaxiga Jowhar oo aad ugu caana beeraha kana soo go’i karaan cunto ku filan dalkoo dhan ayaa hadda dib looga bilaabey beerista bariiska oo Somalida u ah raashinka ay cunaan haddana ayna beeran.


Malaayiin doolar oo dalku u baahnaa aya waxa ku baxa soo dhoofinta bariis aad u tayo xun oo an la fiirin dhulka lagu beeray iyo biyaha lagu beeray.


Somaliya ayaa noqotey qashin-qubka aduunka dhinaca cuntada iyo daawada. Waxa baryahaanba jirey beeralay iyo ganacsato iskaashadey oo wax soo saarka u jeedsaday ayadoo uu yaryahay dalaga soo go’aa oo aan ku filneyn magaalada Muqdisho xataa.


Dakhliga ugu badan ee soo gala dawlada aya ku baxa difaaca dalka iyo mishaharaadka shaqaalaha dawlada ayadoo gobolada badankooda ay gacanta ugu jiraan maamul jufeedyo aad u tag daran laakiin cuna wixii dadka wax loogu qaban lahaa.

Somalida aya beeran jirtey bariiska laakiin marnaba ma soo go’i jirin bariis ku filan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.