Beesha Isaaq ee Habar Yoonis oo iyagu iska leh xisbiga Wadani ayaa shir ay ku yeesheen Hargeysa go’aan ku gaaray in ay bedelaan C/raxmaan Ciro inkastoo doodu dheerayd. WArkan ayaan u fiicneyn C/raxmaan Ciro oo isa siiyay xisbiga.
Shirkan oo ay ka soo qaybgaleen rug cadaa ka tirsan beesha inta badana ah kuwa bixiya dhaqaalaha uGu badan ee xisbigu ku siocdo ayaan dareensanayn in C/raxmaan Ciro booskan ku fiican yahay ama gaarsiin karo meel fiican.
C/raxmaan CIro ayaan waxba dhaamin Siilaanyo mana jirto siyaasad uu leeyahay oo wax ka bedeli karta xoolaha masaakiinta ee sarajooga lagu cunayo. Beesha ayaa qabta in kursiga madaxweynaha uu galayo ciriiri haddii Ciro sii hayo hogaanka.
Madaxdhaqameedka beesha habar yoonis ee iskugu timi shirka ayaa ka hadlay hadlay jaho wareer siyaasadeed ee soo wajahay tan iyo intii lagu dhawaaqay shirwaynahoodaa golaha dhexe.
Shirkan ayaa yimi xilli uu xisbiga ka taagan yahay khilaaf iyo is qabqabsi kadib markii rag ka mida xisbiga loo diidey inay isku soo sharaxaan madaxwaynenimada halka qaarna laga eryay xisbiga markay hagooda siyaasadeed sheegeen.
Madax dhaqameedka ayaa soo jeediyay in Dr Gaboose lagu bedelo C.raxmaan Ciro oo shirweynaha xisbiga lagu doorto isaga.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS