X

Beesha Jareerweyn ee lagu dulmey Hirshabeelle oo hubkeeda la soo baxdey

Beesha Jareerweyn ee lagu dulmey maamulka aan jirin e Hirshabeelle ayaa ku dhawaaqay in ay hubkoodii la soo baxeen kadib markii lagu xaqirey gobol ay xi xooga u degan yihiin.



Kumanaan ruux oo Beesha Jareer weyne ah ayaa maanta isugu soo baxay degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe, kuwaasi oo sheegay iney diidan yihiin wasiirada cusub oo ay tilmaameen in laga siiyey kuraas aan u qalmin.

Waxgaradkii u hadlay Jareer waxay sheegeen in hubkooda bannaanka uu yaalla, islamarkaana ay diyaar u yihiin in ay la dagaallamaan maamulka Hirshabelle, hadii aaney xaqooda ka helin.



Sidoo kale waxay sheegeen waxgaradkan in ka beel ahaan aysan aqoonsaneen madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo ay tilmaameen inuu yahay shaqsi wax mahubsade ah.

Jareer weyne ayaa hadda u muuqata mid kacday, islamarkaana dooneysa in si aan shaki ku jirin ay xaqeeda uga hesho maamulka Hirshabelle.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.