Beledweyne ayaa dadku arkeen webigii Shabeele oo gudhey iyo qaylodhaan ka jirta dadka ku noolaa agagaarka webiga. Sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin maamulka gobolka Hiiraan Wabiga ayaa guray, waxaana uu sameyn ku yeeshay bulshadda kunool Magaalada Baledweyne.
Biyo la’aanta Wabiga Shabeelle ayaa waxa ay dhibaato ku tahay kumanaan Qoys oo ku nool hareeraha Wabiga Shabeelle, kuwaas oo noloshooda ay ku xirneyd Biyaha Wabiga.
Dadka ay saameeyeen Biyo la’aanta Wabiga ayaa inta badan waxa ay degan yihiin tuulooyin hoosyimaada Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in tuuladda Ceelgaal Biyaha looga keeno Magaalada, islaamarkaana Fuustaddii Biyaha ay Magaalada ka marayso ku dhawaad 60 kun oo Shilin Soomaali ah.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS