X

Berbera oo lagu xukumay ajaanib Imaaraadku keensaday

Berbera oo lagu xukumay ajaanib Imaaraadku keensaday. Waxa magaalada Berbera ee gobolka Saaxil lagu xukumey ajaanib si sharci daro ah gobolka uga ugaadhsanaysay. Ajaanibtan ayaa ka waxa keensaday Imaaraadka waxayna ka yimaadeen dalka fiqiirka ah ee Bakistaan.


Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Horumarinta reer Miyiga Somaliland ayaa waxa ay sheegeen laba ka mid ah eedeysanayaasha in lagu qabtay Deero oo xilligaasi ay si sharci daro ku soo ugaarsadeen.
Saddex ka mid ah eedeysanayaashan oo midkood uu ka soo jeedo degaanada Somaliland ayay Maxkamaddu sheegtay in xuriyadooda dib loogu soo celiyo.


Mudooyinkii u dambeeyay waxaa Maxkamadaha Somaliland ka socday kiisas la xiriira ugaarsi sharci daro ah iyo sidoo kale ka ganacsiga xayawaanka qaarkood.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.