Waxa nasiib daro ah in ay baxayso bishii barakaysnayd ee Ramadaan oo maanta la soo soomay 29 maalmood oo aad u barakaysnaa waxaanan ku sagootinaynaa hadaan nahay bahda ARAABINEWS ”Ramadaankii baxsanaydeey ma baxdey tii Ilaahay barakeeyaay ma baxdey”. Hadaba sida laga saadaalinayo waxay u badan tahay in berito oo Jimce ah ay noqon karto maalinta koowaad ee CIIDA. Waxaadse iswaydiin kartaa sidey ku timi mar haddii aan bishii la arag.
Khubarada ku takhasusey cilmiga balaadhan ee xidigaha, dayaxa, mareegayaasha, iyo waxkasta oo la xiriira hawada sare ee afka qalaad lagu yiraa ‘Astronomy’ waxay sheegayaan in DAYAXA laga arki karo wadamada geeska Afrika iyo Galbeedka Afrika laakiin lagu arko karo hadaad isticmaasho muraayadaha u khaaska ee lagu eego cadceed dhaca taas oo ka dhigan in dadka ku nool geeska Afrika intooda badani ayna haysan amaba isticmaalin.
Waxase taas fududeynaya haddii laga arkayo geeska Afrika in iyadna laga arki karo wadamada Carabta sida Sucuudiga oo saaran geeska Afrika oo iyagu raba in ay noqdaan kuwa ugu horeeya ee sheega CIIDA,,taasina ay keeni karto in beri oo Jimce ah ay noqoto CIID.
Dhinaca kale waxay khubaradaasi sheegeen haddii la arki waayo galabta in berito oo Jimce ah si caadi ah oo aan u baahneyn muraayad khaasa looga arki doono aduunka badankiisa aan ka ahayn wadamo khaasa sida Galbeedka Eeshiya. Waxase xusid mudan in Sabtida aan shaki ku jirin in ay ciid tahay.
ARAABINEWS.COM