Tan iyo markii Dawlada Soomaaliya kasoo baxay inay mamnuucday Shaqadii Hay’ada NILE ee Turkida ka wada Muqdisho waxa hoos udhacay niyada Arday badan iyo dad bukaan socod ahaa kuna sugnaa Muqdisho.
Dawlada Federaalka Soomaaliya oo ka jawaabeysay sida ay uraali gelin laheyd Shacabka iyo Madaxda Turkiga kadib Inqilaabkii Fashilmay ayey ka joojisey mashaariicdii Hay’adaasi ka sameeneysay Muqdisho.
Dugsigii Hore Ee Farsamada Gacanta Buula Tikniko ayaa ka mid ah meelaha la dayactiray oo Hay’ada NILE ay shaqada ka waday halkaasi oo Arday Kumanaan Soomaali ah ay ku waxbaranayeen.
Ciidan katirsan Dawlada Soomaaliya ayaa la geeyey Xarumihii ay Turkidaasi ku shaqeenayey kuwaasi oo ilaalo ka haya qalabka ku Jira Dhismayaashaasi si aan loo bililiqeysan.
Taasi waxa laga dhaxlay in Kumanaan Arday Soomaaliyeed oo wax kabaranayey Dalka Turkiga ay Hay’ada NILE iyaduna ay waxbarashadoodii ka Ceerisay.
Sidoo kale Dugsigii Sare Ee Banaadir ayaa Beder Turkish loo bixiyey kadib qurxin lagu sameeyey oo hay’adaasi ay Arday Soomaaliyeed wax ku bareysay.
Meelo kale oo Cusbitaalka Deva ka mid yahay oo isla magaalada Muqdisho ku yaalla ayaa hay’adu gacanta ku heysay intaba manta waxay yihiin howl gab markii shaqo joojin D.F Soomaaliya ku sameysay.
.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS