X

Bixinta baasaboor Somaliga oo la hakiyay iyo sababta

Qoraal kasoo baxey hay’adda ayaa waxaa lagu sheegay in xaaladaha Cudurka Corona ee saameeyey isku socodka iyo Shaqooyinka kale ee dowladda aawgeed la hakiyey codsiyada qabashada baasaboorka.



“Digniinaha caafimaadka iyo Xaaladaha Caabuqa Kooro oo saameeyey isku socodka iyo xafiisyada kale ee bixiya adeegyada la xariira bixinta baasaboorka awgood, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddu waxay muwaadiniinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ku wargelinaysaa in laga bilaabo maalinimada beri ah, taariikhduna tahey Abriil 7, 2020 la hakiyey qabashada codsiyada baasaboorka ilaa wargelin danbe.


Hay’adda ayaa sheegtay inay dib kasoo sheegi doonto xilliga la bilaabayo bixinta Baasaboorka Soomaaliga oo Bulsho farabadan ay maalin walba ka qaataan xarumaha Hay’addu ku leedahay Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka Soomaaliya.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.