Iyadoo la filayo in madaxweyne Farmaajo lagu wareejiyo xukunka maalinta beri ah ayaa waxa ay xildhibaano sheegeen in boob xun oo hantidii dadka ah ay ka socoto madaxtooyada.
Xildhibaanada ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo looga baahan yahay inuu ka fiirsado xil wareejinta, waxa ayna cod dheer ku sheegeen in Hantida lagu wareejin doono ay tahay mid aan dhameystirneen.
Xildhibaanada ayaa sheegay inay walaac gaara ka qabaan in Madaxda laga tuuray talada dalka ay horay ula sii baxaan Hantida Qaranka, sidaa daraadeed loo baahan yahay in la baaro Hantida ka hor inta aan la wareejin xilka.
Xildhibaanada ayaa tilmaamay in si hordhac ah ay Maamulka cusub ugu ifinayaan in la qaatay qaar ka mid ah Gaadiidka iyo qalabka Milliteriga ee yaala Madaxtooyadda, balse loo baahan yahay inaan xilkaasi lala wareegin iyadoo aan la xaqiijin Hantida maqan.
Waxa sheegeen in xildhibaano iyaga kala tirsan barlamaanka loo ballanqaaday gaadiidka yaalla Madaxtooyada, waxa ayna cod dheer ku sheegen in Gaadiidkaasi aysan kamid noqon doonin Hantida la wareejin doono.
”Hantida la bixiyey ama la iibiyey ku jiraan Gaadiidka Gaasahaaman, kuwa aan xabadu karin iyo Hub farabadan oo lala baxay”.
Dhinaca kale, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayay ugu baaqeen inuu xilka isaga dego haddii uusan wax ka qabankarin waxa ay ugu yeeren Boobka lagu hayo Hantida Qaranka, ka hor inta aan la wareejin xilka.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS