Booliiska Bakistaan gobolka Punjab ayaa ku guulaystey in ay soo qabtaan nin walaashii sumeeyay kadibna diley. Gabadha lagu magacaabo Baloch ayaa baraha bulshada soo dhigi jirtey sawiro iyadu leedahay.
Baloch ayaa waxa ku xirnaa baraheeda bulshada ilaa hal milyan oo qof waxase qaar ka mida oo uu ku jiro walaalkeed ay ka caraysnaayeen sawirada ay soo dhigto.
Baloch ayaa codsatey in amaankeeda la ilaaliyo maadaama ay heshay fariimo dila waxase iska indhatirey booliiska dalkaasi oo haweenka aanan fiirin xuquuqdooda.
Ninkan diley ayaa sheegay in uu u diley arin dalkaasi can ka ah oo la yiraa ”sharaf dhac” oo aan diinta meelna kaga jirin. Xalay ayaa booliisku ku guuleystay in laga soo qabto guri ku yaala isla gobolkaasi.
Dhacdadan ayaa xagjirka Bakistaantu ku farxeen halka dadka kalana ka naxeen dilka. Gabadhaaabaheed ayaa sheegay in aanu marnaba cafin doonin dilka loo gaystey gabadhiisa.
Hoos sawirka gabadha la diley
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS