Booliiska Boorama ayaa rasaas ay fureen ay ku dileen wiil dhalinyaro kadib ciyaar dhexmartey gobolada Gabiley iyo Salal. Ciyaarta kadib ayaa waxa ka dhacay dibedda garoonka buuq iyo isqabqasi taas oo keentay in booliiska oo aan u tababarneyd xaqa qofka bani aadamka ay u adeegsadeen rasaas nool taasi oo keentay in wiil dhalinyaro ah ay dilaan.
Ciyaartii u dhaxaysay Gabiley iyo Salal ayaa iyadu ku dhamaatay barbardhac. Gacanku dhiiglayaasha ayaan inta badan la qaban iyadoo ayna jirin amar iyo kala dambeyn ee dadka layska dilo ay noqdaan nin dameeri dishay.
Dhimashada wiilkan dhalinyarada ah ayaa aad looga carooday inkastoo hadana magaalada ayna ka jirin wax isbedela.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS.COM