X

Booliiska gobolka Awdal oo gacanta ku soo dhigey gaari C/llaahi Dheere lagu aaminay oo baxsad ahaa

Booliiska gobolka Awdal ayaa gacanta ku soo dhigey gaari C/llaahi Dheere lagu aaminay oo lala baxsanayay. Wasiirkii hore ee waxbarashada maamulka Somaliland ayaa Muuse Biixi jacweyn ku dhigey welina ma wareejin xilka.



Gaadhigan oo uu wadey dirawalka C/llaahi Dheere ayaa lagu soo qabtey Woqooyiga gobolka Awdal gaar ahaan deegaanka Boon.

Waxaana sida la sheegay gaadhiga oo Wakhtigaasi uu ku xidhnaa Lambar Shacbi ah balse Taarikadiisa saxda ah ee Dawlada ugu diwaan gashan yahay (1017-GT) loo soo dhaadhiciyay Dhinaca magaaladda Hargeysa.



 Ayadoo ay wararku noo xaqiijiyeen in Dirawalka aan la xidhin ee ay Ciidanku iska siidaayeen.

Wararkan ayaa intaasi ku daray in Gaadhigan oo noociisu yahay Lancruiser, midabkiisu yahay Cadaan, islamarkaana Masuuliyiin badan oo Wasaaradda ka Tirsani iska soo dhaxleen sannado door ah uu hadda yaalo Xerada Ciidanka Birmadka ee Magaalada Hargeysa.



Ciidanka qabtey ee soo dhaafiyay Awdal ayaa baaraya sababta halkaasi u tagey fog loola tagey gaadhiga.

Xigasho Foore

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.