X

Booliiska Hargeysa oo gacanta ku dhigey argagixiso oo uu ku jiro Axmed Godane walaalkiis

Al-Qaeda linked al-shabab recruits walk down a street on March 5, 2012 in the Deniile district of Somalian capital, Mogadishu, following their graduation. The walls of the former Shebab base in Baidoa, Somalia, are littered with rudimentary drawings of machine guns and tanks, a note reading "Fear God, don't write on these walls" and a sketch of an Al-Qaeda flag, homage to the rebel group's international allies. The crumbling building is now occupied by Ethiopian troops who nearly two weeks ago forced Shebab rebels out of Baidoa, their former Shebab stronghold and Somalia's third-largest city. AFP PHOTO/Mohamed ABDIWAHAB (Photo credit should read Mohamed Abdiwahab/AFP/Getty Images) ORG XMIT:

Ciidamadda Amniga Somaliland ayaa maanta xarunta Maxkamadda sare ku qabtay sadex nin oo looga shakiyey inay qarxinayeen Maxkamadda sare ee Somaliland.

Illaa hada xukuumadda Somaliland war kamay soo saarin qabashada sadexda nin, hase yeeshee ilo wareed lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in sadexda nin ay Miino nooca qalinka ah dhigeen xafiiska Guddoomiyaha Maxkamadda sare.

Taasoo ay ugu talo galeen inay ku qarxiyaan guddoomiyaha Maxkamadda Sare. Sadexda nin ayey Booliisku qabteen isla markiiba, waxaana qalinkii Miinada ahaa qaaday ciidamadda Miino-saarka oo goobta soo gaadhay.

Ma cada nimanka la qabtay waxa ay ahaayeen, hase yeeshee sarkaal ka tirsan ciidamadda amniga ayaa sheegay in uu ka tirsanaa nin ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland, kaasoo sida uu sheegay ay walaalo ahaayeen Hogaamiyihii kooxda argagixisada Axmed Cabdi Godane.

Askarigan ayaa la sheegayaa in uu ahaa koox dhaqan celin ahaan ciidamadda loo qoray, kuwaas oo ka soo goostay maleeshiyadda Alshabaab. Ciidamadda Amniga Somaliland ayaa heegan la galiyey, waxaana saaka laga dareemayey feejignaan dheeraad ah agagaarka maxkamaddaha Hargeysa.

Xigasho wargeyska Waaheen

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.