Booliiska maamulka Jubba ayaa nin kufsi ku eedaysan u dhoofiyay Puntland. Ninkaan ayaa isaga oo ka jeebeysan gacmaha waxaa laga dhoofiyay Magaalada Kismaayo, iyadoo ay hareer socdaan Saraakiisha ciidamada Booliska Jubbaland.
Puntland ayaa ka codsatay Jubbaland in sida ugu dhaqsiyaha badan gacanta loogu soo geliyo Ninkaasi oo la sheegay in uu ka tirsanaa ciidamada badda Puntland.
Ehelada Gabadha lagu dhibaateeyay Magaalada Boosaaso ayaa dalbaday in maxkamad la soo taago dambiilaha dhibaatada u gaystay gabadhooda.
“ Waxaan doonaya in aan bogaadiyo dadaalka iyo shaqo wanaaga ay la yimaadeen laamaheena amaanka gaar ahaan Ciidamada Booliska oo gacanta kusoo dhigay Eedaysanahan oo mudo ku dhuumalaysanayay Gobolka Jubada Hoose” ayuu yiri Axmed Madoobe
Falka ninkaan ayaa aad looga argagaxey waxana dadka badankiisu dalbanayaan in hore laga toogtey ayadoo gabadha uu nolosheeda wax u dhimey.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS