Maamulka Muuse Biixi ee magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay fashiliyeen qaraxyo lala damacsanaa in laga xarunta gobolka Togdheer ee Burco ayna qabteen laba nin iyo haweenay.
Warka ciidanka Ingiriisku u tababaray maamulkan ayaa sheegaya in labadan nin iyo haweenay la qabtey xilli lagu dabajirey oo laga shikisanaa.
Wararka booliiska yaa sheegaya in kadibna labadaa nin iyo haweenaydaa loo soo dhaadhiciyay dhinaca magaalada Hargeysa. Ma bixin faahfaahin dheeraada.
Lama garan karo halka qaraxan ku wajacnaa loomana malaynayo mid ku aadanaa dabaaldeg uu maamulku samaysanayo caawa oo doolaro lagu khasaarin doono.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS