X

Booliiska Muqdisho oo gacanta ku dhigey hub iyo alaabo kale: SAWIRO

Booliiska magaalada Muqdisho ayaa gacanta Ku shubey hub Iyo alaabo khatar u ah nafta qofka.

Ciidamada ayaa intii ay Howlgalka ku jireen waxa ay soo qabteen Laba Qori iyo Laba Bastoolad, kuwaasi oo si sharci daro ah loogu heystay gudaha degmada, mararka qaarna lagu dhibaateyn jiray shacabka.



Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee dhanka siyaasadda iyo amniga Maamulka Gobolka Gobolka Banaadir Maxamed C/laahi Maxamed (Tuulax) iyo saraakiil Ciidan ayaa markii dambe tagay goobta waxyaabahan lagu soo qabtay.

Waxaa Howlgal balaarana laga sameeyay degmada Wadajir, Howlgalka wuxuuu ahaa mid qorsheysan, waxaana lagu soo qabtay waxyaabaha maanka dooriya iyo Hub, dhammaan dadkii waxyaabahaas lagu soo qabtay Ciidamada ayaa gacanta ku dhigay, sharciga ayaana la horgeyn doonaa.” Ayuu yiri Afhayeenka Gobolka Banaadir.



Shalay ayay aheyd markii Ciidanka dowladda ee ku sugan Dakadda Magaalada Muqdisho, ay soo bandhigeen Kunteenar ay ka buuxaan Qamri, kadib markii baaris lagu sameeyay, waxaana la xiray ganacsadihii Qamrigaas u soo degay.

C/llaahi Warmooge


ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.