X

Booliiska oo gacanta ku dhigey argagixiso ka ganacsata meherado iyaga u xaaraana

Booliiska musuqa badan ee magaalada Muqdisho ayaa soo gacanta ku dhigey argagixiso xasuuqyo badan gaystey oo muddo ay ku daba joogeen laakiin markey qabteen ku qabtey meelo aan laga fileyn.


Dhiigmiiratada ayaa sheegta in filimada xaaraan yihiin laakiin kuwo iyaga ka mida oo gacanta lagu dhigey ay ka ganacsan jireen goobo lagu kireeyo filimada oo Muqdisho ku yaala.

Hore waxaan u ogeyn argagixisadu in macalimiin yihiin isla markaana heesaa leeyihiin haddana kuwo filimada kireeya ay leeyihiin ayuu yiri sarkaal u hadley ciidanka booliiska. Waana sida keliya ee ay ku heli karaan sirta loogana shikiyi Karin.


Dhiigmiirad kale oo ka tirsan argagixisada oo isna gacanta lagu dhigey isagoo dembigii faraha kula jira ayaa xilliga la qabtey mandooriye faraha kula jirey.


Dhamaan ragga la soo qabtey maanta ayaa gaystey falal dembiyeed farabadan oo ay ku jiraan dilal ka dhacay magaalada. Waxay muujinaysaa in aan nijaas la macaamilayno ayuu yiri sarkaalka u hadley booliiska.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.