Booqashada madaxweyne Farmaajo ee dalkaasi Imaaraadka ee siyaasada Somaliya ku dhexjira. Waa safarkii labaad ee Farmaajo ku tago halkaas ayadoo Imaaraadkui hubeeyo maamul jufeedyada.
Madaxweynaha waxaa gegada diyaaradaha ku soo dhaweeyay Wasiirka Caddaaladda ee Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta Mudane Sultan Bin Saciid Al Badi iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dalkaasi.
Safarkan waxaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed (Farmaajo) ku wehliya Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Axmed Khayr, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka, La-taliyeyaal iyo xubno kale.
Madaxweyne (Farmaajo) ayaa doonaya inuu sare u qaado xiriirka labada dal ka dhaxeeya, sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa aaminsan in Imaaraadka Carabta ay tahay xarunta dhaqaalaha laga siiyo dadka mucaarada Dowladda.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS