X

Boqorka Jabaan oo jecel in uu hawlgab noqdo iyo sababta

Boqorka Jabaan Akihito oo 82 jira ayaa jecel in uu hawlgab noqdo ama magaca boqornimada laga bedelo si hawshu uga yaraato. Boqorka hadda oo aabihii ka dhaxley sanadii 1989 ayaa laga soo xigtey in uu daalay.

Sharciga boqorada ee soo jireenka ah ayaan ogolay in boqor nool la dhaxlo waana sababta ka qaylisiisey boqorka hadda oo da’diisu dhaftey da’diisa shaqada mashquulka ah.

Boqorka ayaa booqda wadamadii Jabaanku hilfaha u qaaday dagalkii labaad ee aduunka wuxuu sidoo ka qaabilaa madaxda aduunka ee soo booqda Jabaanka.

Boqorka ayaa jecel in uu wiilkiisa oo 56 Jira ku wareejo xilka sida laga soo xigtey ilaha ku dhow aqalka boqorka Jabaan laakiin sharciga boqornimada ayaa diidan.

Markii boqor nool la dhaxley ayaa lagu sheegaa in ay tahay 200 oo sano kahor.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.