X

Burburkii dawladnimada laba tiir ayaa la waayay waxayse u egtahay in mid la helay: QORMO

Burburkii dawladnimadeena laba tiir oo waaweyn ayaa harmar la waayay taas oo keentay in dadka iyo dalku halmar wada degaan waliba gunta.

Waxa la isku dayay in la soo celiyo muddo 25 sano ah, marnaba ma suurtoobin in lagu guulaysto, waxana imanaysay kadaran oo dibidhal.



Ilaa markii ay soo baxeen kooxo dhigeenaa xalaashada oo halkii aan u ordi lahayn inoo fadhiista oo ah DIINTEENII macaanayd. Kooxahaas ayaa cidii diida sida ay diinta u turjunteen waxay ku xukuman yihiin dil qoorgoyna.

LABA TIIR



Labada tiir ee Somalidu waydey halmar ayaa ahayd HOGAAN waxgarada oo dadka haga iyo CIIDAN fuliya awooda dawladnimo sugtana xuduuda dadka iyo dalkeeda, waxayna labadaasi is raaceen 1991.

Dawladaha Muislimka ee sidaasi ku dhacdey waxa ka mida Liibiya, Afganistaan iyo Ciraaq inkastoo dawlado shisheeye qayb weyn ku lahaayeen burburkooda.



Doorashadii xalay ka dhacday Muqdisho waxa aad u soo dhaweeyay Somali oo dhan waxayna muujinaysaa in Somali sugeyso HOGAAN waxgarada.

Doorashadaa oo uu ku soo baxay Farmaajo ayaa dadku u riyaaqeen oo ayna ilaawin mudadii yarayd ee uu ahaa Raiisal wasaaraha dadkii uu siiyay xuquuqdiisa, taasoo abuurtey jacayl dadku u qabaan.



Waxaan qormadan ku soo koobayaa RABI ha inooga dhigo labadii tiir ee go’ay in mid inoo soo noqdey, waxaanse ka afeef dhiganayaa wadada uu ku socdaa way qodxo badan tahay iyo xaasid badan tahay, hawshana loo fudeydin maayo, wuxuuse haystaa taageerada shacabka haddii RABI waafajiyo waa guul.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.