X

Butlaan kala talisnimo horleh ayay ku socotaa: Axmed Karaash

Horjooge ku xigeenka Butlaan Axmed Karaash ayaa khilaaf markale soo kala dhexgalay isaga iyo Siciid Deni kadib markii Siciid Deni diyariyay liisto ku aadan isku shaandheyn golaha maamulka iyo ku xigeenadooda.



Axmed Karaash ayaa dalbaday in wasiirada beeshiisa isaga looga dambeeyo iyo ku xigeenadooda halka kuwa beesha Majeerteena iyo Warsengelina uu ku lahaado fikirkiisa.

Horjooge Siciid Deni ayaa ku gacan seydhey sheegayna in waxoo dhan isagu xaq u leeyahay kaalinta horjooge ku xigeenkana uu yahay kaliya la tashi, inkastoo la tashigaa uuna ogolayn.


Maaha markii ugu horeysay ee Axmed Karaash iyo Siciid Deni isku khilaafaan sidii maamulka loo maamuli lahaa. Axmed Karaash ayaa qaba in kalitalisnimo Siciid Deni ay gaartey halkii uGu xumayd.

Si kastaba ha ahaatee waxa la sugaa halka ay ku dhamaato. Waxa hadda lagu jiraa sidii loo xalin lahaa khilaafka uu abuuray Siciid Deni.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.