X

C/rashiid Xidig oo la rabay in lagu khaarajo Kismaayo: weerar fashilmey

Musharaxa mdaxa maamulka Jubba ayaa ka badbaaday isku day dil oo laga maleegaayay gurigiisa dhinaca dambe. Ilaalada wasiir ku xigeenkii hore ayaa fashiliyay miino halkaas loogu aasi rabay.


Qof ka mid ah dadka ku sugan magaalada Kismaayo ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in qaraxa la doonayay in lagu waxyeeleeyo Xildhibaan Xidig oo sidoo kale ah musharax u taagan xilka Madaxweynaha Jubba doorashada la filayo inay Kismaayo ka dhacdo bisha Agosto.


Xidig oo ka mid ah musharixiinta ugu cad cad xilka Madaxweynaha Jubbaland ayaa dhowaan loo diiday inay garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyaan qaar ka mid ah taageerayaashiisa, iyadoo arintaas ay magaalada buuq ka dhex dhalisay, inkastoo markii dambe si hoose loo xaliyay.


Ma jirto wali wax war ah oo arrintan ay ka soo saareen laamaha ammaanka ee maamulka Jubbaland, kuwaasoo isu xil saaray sugida amniga musharixiinta Madaxweyne.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.