X

C/raxmaan C/shakuur oo maxkamad la soo taagey iyo dooda maxkamada

C/raxmaan C/shakuur oo daraad laga soo qabtey gurigiisa ayaa maxkamad la soo taagey. Maxkamadeynta C/raxmaan C/shakuur ayaa waxaa goob joog ka ahaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Ehelada siyaasi C/raxmaan iyo Mas’uuliyiin kale.



Ujeedka Maxkamadda loo geeyay ayaa lagu sheegay, iyadoo ay dhamaaneysay muddada 48-saac ee ah in qofka eedeysanaha lagu horgeeyo Maxkamad.

Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir Aweys Sheekh C/laahi ayaa meesha ka sheegay ineysan muuqan eedo lagu qanci karo oo ay soo bandhigeen Xeer ilaalinta soo eedeysay Siyaasigan.

Xeer ilaalinta Maxkamada ayaa markii danbe dalbatay in la siiyo 5 maalin oo dheeraad ah si ay ku keenaan Cadeymaha loo heysto Siyaasigan, Sidoo kalena la siiyo warqad ogolaansho ah oo ay ku sii heysan karaan Warsame.



Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir Aweys Sheekh C/laahi ayaa diiday inuu aqbalo dalabka Xeer ilaalinta, wuxuuna usoo jeediyay iney maalinta beri ah keenaan Cadeymo dhameystiran oo eedaha la xiriira.



Waxa uu Gudoomiyaha ku goodiyay in hadaan Cadeymahaa lagu keenin 24-kaa saacadood la sii deynayo Siyaasi C/raxmaan C/Shakuur Warsame, danbiyana lagu soo oogayo Xeer ilaalinta iyo Saraakiisha soo xiratay Siyaasigan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.