X

Caaqil reer Puntlanda oo Somali uu sheegayo in ay u dhasheen gobolo kale qabiil ahaan ku yiri ku noqda goboladiina

Nabad-la-dagaale lagu magacaabo Yaasiin Cabdisamad oo ka mid ah waxma garatada Puntland ayaa dadka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya qabiil ahaan ugu baaqay in ay si nabad ah ugu laabtaan deegaanadooda inta aan la waxyeelin hantidooda, isagoo ugu baaqay maamulka iyo shacabka Puntland in ay go’aan mideysan arintaasi ka qaataan.

Nabad la dagaalahan ayaa sheegay in dadka dilalka ka waday Puntland iyo kooxihii argagixisada ee ku soo duulay ay kasoo wada jeedaan Koonfurta Somalia, taasina uu sheegay in aan loo dul qaadan doonin.

“Ninna abeeso guriga kuma haysto, waxaan ka codsanayaa dadkaasi intaan wax la yeelin naftooda, maalkooda inay si nabadgelyaa ugu noqdaan deegaanadooda, shacaba waxaan ka codsanayaa in mudo 15 maalmood ah siiyaan dadkaasi, ciddii awoodina in la taageero” ayuu yiri Nabad la dagaale Yaasiin Cabdisamad.

Madaxda Puntland ayuu ku eedeeyay in dadkaasi ay siiyeen xuquuq la mid ah dadka Puntland, isagoo sheegay in dadkaasi kasoo jeeda la taabanayo. hadii aysanna damaanad qaadi karin amaanka dadka Puntland in ay raali ka yihiin buu yiri in la laayo dadka.

Arinkaan ayaa ku soo aadaya iyadoo ay wada hadleen madaxweynayaasha maamulka Koofur Galbeed iyo Puntland isla markaana ay isla qaateen in la dhowro dadka ka soo jeeda koofurta Soomaaliya.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.