X

Cabdi Maxamuud Cumar oo la ogaadey in dacwad buuxda lagu soo oogin

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa la ogaadey in dacwad buuxda lagu soo oogin mida ah ay tahay mid kaliya ku kooban bililiqadii taageereyaashisu ka gaysteen Jigjiga iyo dadkii ay dileen xilligii xilka laga tuuraayay.


Dawlada Somali galbeed oo arintaas ogaatey ayaa sheegtay inay gudbin doonaan dacwada saxda ah ee loo haysto Cabdi Iley oo ay ku jiraan kufsi iyo kumanaan la diley.

Madaxa dawlada Somali galbeed Mustafe Cagjar ayaa warbaahinta u sheegay in  dowladda Federaalka Dacwadda ay u heysato Cabdi Maxamuud Cumar aysan ku jirin dad ku dhow 10 kun oo ruux oo uu ku dilay deegaanka Somali galbeed ee Itoobiya intii uu xilka haayay.


”Dadkaas la xasuuqey waxay dalbanaayaan inay cadaalad helaan waana waxa la sugaayo in dawlada federalka fuliso, waana aan diyarin doonaa dacwadaas ayuu yiri Mustafa Cagjar.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.