X

Cabdiwelli Gaas oo diidey kulan wasiir iyo gudoomiyaha doorashadu qabsan lahaayeen

Cabdiwelli Gaas ayaa Garoowe u diidey in wasiirka qorsheynta oo Puntland ka soo jeeda iyo gudoomiyaha doorashada qaranka Xaliimo Yarey  ka hadlaan jaamacad.


Cabdiwelli Gaas oo Nayroobi kula shiraya ajaanib uu leeyahay hana dhexdhexaadiyaan dawlada dhexe ayaa amrey in wasiirkaas iyo Xaliimo Yarey ka hadlin jaamacada PSU.

Afhayeen u hadley Puntland ayaa sheegay in amarka uu bixiyay Cabdiwelli Gaas asagoo ku macneeyay in uu Jiro khilaaf u dhexeeya isaga iyo dawlada dhexe. Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaan ku raacsanayn fikirka Cabdiwelli Gaas.


Waxaan is weydiiyay doorashaa ka dhacdey Garoowe ay diyaarisay gudiga qaranka waxana ku soo baxay wasiirka qorsheynta, xaguu ku maqnaa Cabdiwelli Gaas markii waxaas dhacayeen sow dawlada dhexe ee uu leeyahay lama hadlayo kama diyaarin Puntland ayuu yiri siyaasi jooga Garoowe.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.