X

Cabdiwelli Gaas oo faraha ka qaaday nidaamka 4.5 ee uu diidanaa

Madaxweynaha Puntland ayaa qaatey nidaamka doorashada ee 4.5 oo uu diidanaa in muddo ah olole dheernas u tagey dibedaha inkastoo reer Puntland ku kala aragti duwan yihiin nidaamka. Maanta oo Axad ah waxaa lagu wadaa in xarunta madaxtooyada Garowe lagu saxiixo heshiis ay wada gaareen Puntland iyo dowladda Federaalka kaasoo maalmihii lasoo dhaafay wadahadalkiisu socdey.

Munaasibada lagu shaacinayo heshiiska labada dhinac oo lagu wado saacadaha soo socda in lagu qabto xarunta madaxtooyada ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay ajaanib goob joog ka ahaan doonaan.

Puntlad ayay wararku sheegayaan inay qaadatay hanaanka lagu saleeyay soo xulista xildhibaanada Baarlamaanka kaasoo ah 4.5, waxaase la ogeyn ilaa iyo hada waxyaabaha ay ku badalatay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.