X

Cabdiwelli Gaas oo joojiyay shir maanta ka dhici lahaa Garoowe

Cabdiwelli Gaas ayaa joojiyay shir maanta ka dhici lahaa Garoowe. Warqada casuumadda shirkan ayaa waxaa lagu soo qoray mawduuca looga hadli lahaa kulankan, oo ah damaca Imaaraadka iyo kala daadsanaanta Soomaaliya.



Ujeedka shirkan loo joojiyay ayaa waxaa lagu sheegay inuusan maamulka ka warqabin kulankan iyo
waxa looga hadli lahaa, hada kahorna uu maamulka sheegay in ay muhiim tahay ka warqabista kulamada ka dhacaya gudaha magaalada.

Kulankan ayaa waxaa soo qaban qaabisay dhalinyaro reer Puntland ah, waxaana maamulka uu u arkay in looga soo horjeedo taageeradii Madaxweyne C/wali Gaas uu siiyay Imaaraadka Carabta.



Madaxweynaha maamulka Puntland oo maalmo kahor ka soo laabtay magaalada Abu Dubai ayaa waxa uu sheegay ka maamul ahaan in ay taageersan yihiin Imaaraadka oo aysan jirin cid ay ku doorsadaan, waxaana tan iyo xilligaas wixii ka dambeeyay soo ifbaxayay inuusan wanaagsaneyn xiriirka dowladda dhexe iyo Puntland.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.