X

Cabdiwelli Gaas oo ka hadlay shirka golaha wasiirada ee ka dhacaya Kismaayo

Cabdiwelli Gaas ayaa ka hadlay shirka golaha wasiirada ee ka dhacaya Kismaayo. Cabdiwelli Gaas oo u xagleeya nidaamka gobolaysiga ee federaalka loo yaqaan ayaa soo dhaweeyay shirka Kismaayo. C /welli Gaas, ayaa sheegay in talaabo hormarineed ay tahay in xiligaani Shirka Golaha Wasiirada uu ka dhaco magaalada Kismaayo.



Waxa uu C/wali Gaas, tilmaamay in dowladnimadu ay tahay mid saldhig u ah sinaanta iyo horumarka waxa uuna taageeray qorshaha cusub ee Xukuumada.

Wuxuu sheegay in Xukuumada Somaliya laga doonaayo in Shirka Golaha Wasiirada ay gaarsiiso dhammaan caasimadaha maamul Goboleedyada.



C/wali Gaas, waxa uu carab dhabay in talaabada noocaasi ah uu horumar usii kordhinaayo Xukuumada oo dhowrkii sano ee lasoo dhaafay aanu qaadin talaabo dhiiri galinkarta maamulada.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.