Maxkamada Cabdiwelli Gaas ayaa ku eedaysay odayadan iyo siyaasiyiintan in ay galeen ”khiyaano qaran” waa sida maxkamadu tiriye.
Puntland ayaa ka qayliday maamulka gobolada dhexe oo ay degaan qabiilo isku jira sida Hawiyaha, Mareexaanka, Dirka iyo qabiilo kale oo badan.
Waa markii ugu horeysay ee siyaasiyin loo xidho kale waxay ka qaybgaleen shir maamul lagu samaynayo.
Mid ka mid ah saddexda ruux ee xabsi daa’inka lagu xukumay ayaa lagu magacaabaa C/wali Muuse Shire, kaasoo horay u ahaan jiray Xildhibaan ka tirsan Puntland.
Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa soo gudbiyay cadeymo kala duwan oo isugu jira muuqaal raggan oo ka qeyb galaya shirar ka dhacaya Cadaado oo ku saabsanaa arrimaha mamaul u sameynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS