X

Cabdiwelli Gaas oo la saftey Xaaf dafirayna in Qadar jirto

Cabdiwelli Gaas ayaa la saftey Xaaf dafirayna in Qadar jirto. Mar uu la hadlayay saxaafada ayuu Cabdiwelli Gaas sheegay in aanu aqoon meel Qadar ku taalo sidaasna ula saftey Sucuudiga.

”Dowlada naftigeeda dhex dhexaad kama ahan arintan ee Qadar ayay la dhinac tahay, anaguna maba naqaano kuwaas”ayuu yiri C/Weli Gaas.



Mar uu ka hadley muranka Galmudud ee ku bilowdey Xaaf oo Imaaraadka ka sheegay in uu Sucuudiga iyo Imaaraadka la safan yahay ayuu waxa uu yiri ” Waan ka xumahay talaabada ay dowlada ku bur burineyso maamul goboledyada gaar ahaan Galmudug.



”Tiro yar oo xildhibaano ah ayaa shiray oo dhahay xilka waan ka qaadnay madaxweynaha, dowladana waa taageertay, waxaas ma ahan wax loo baahan yahay oo masuuliyadnimo ah”ayuu raaciyay.

Dadka badankiisa ayaa og in maamul jufeedyadu dulin ku yihiin dhaqaalaha shacabka masaakiinta ah ayna yihiin calooshood u shaqaystayaal ay abuuren Qaramada Midoobey iyo dalalka Jaarku.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.