X

Cabdiwelli Gaas oo ugaadhsi ku bilaabay siyaasiyiin diidan fikirkiisa

Cabdiwelli Gaas ayaa ugaadhsi ku bilaabay siyaasiyiin diidan fikirkiisa. Siyaasiyiinta Cabdiwelli Gaas ugaadhsiga ku bilaabay ayaa tirsanaa Madasha Samata bixinta Puntland.



Xubaha la xiray waxaa ka mid ah Dr. C/rixmaan Siciid Maxamud (Dhegawayne) oo xilal kala duwan Puntland, ka soo qabtay,Daahir Ciiro oo horay u noqday Xildhibaan Dowladii Fedraalka KMG aheyd ee Soomaaliya, Ganacsade Duni Maxamed Guulato iyo Faysal Faarax Cali.

Amarka lagu soo xiray xubnahaasi ayaa la sheegay in uu bixiyay Madaxweynaha maamulka Puntland.



Saraakiisha Ciidamada Ammaanka Garowe ayaa inoo xaqiijiyay in maalmihii dambe siyaasiyiintaasi ay jeedinaayeen Hadallo kicinaya Bulshadda.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.