Cabdiwelli Gaas ayaa xilka ka qaaday wasiir ka hadlay Qalbi Dhagax taageerayna sida dawlada u soo afjartey kiiska Qalbi Dhagax oo si xoogan loo siyaasadeeyay ayna ka faaiideysteen kuwo markii horeba diidana dawladnimada.
Wareebto ka soo baxdey xafiiska madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntlland ayaa xilkii looga qaadey wasiirka xiriirka gobolada oo la moodayay in uu matalo mowqifka Puntland.
Cabdiwelli Gaas oo lagu yaqaan in uu xagxagto dawlada mararna sheego in uu xiriirkii u jaray ayaan ka hadlay mowqifka dawlada. Talaabadan ayaa keenaysa in Cabdiwelli Gaas laftiisu ka jawaabo arinta Qalbi Dhagax ee siyaasadeysan.
Waraaqda lagu eryay ayaa lagu sheegay in ku kacay masuuliyad daro. Ku xigeen Camey ayaa sida ku qoran u so qoorey warqada.
Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland.
Markuu Arkay: Dastuurka Dawladda Puntland.
Markuu Arkay: Habdhaqan lidka ku ah Hannaanka Dawladnimo.
Markuu Garawsaday: Mas’uuliyad darrada uu ku kacay.
Wuxuu Xeeriyey:
- Wuxuu xilkii ka qaaday Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada ee Xiriirka Gobolada Puntland Bashiir Cabdiraxmaan Xaaji Gurxan.
- Xeerkani Wuxuu dhaqan-gelayaa Markuu Madaxweyne Ku-xigeenka Saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweyne Ku-xigeenku.
=DHAMMAAD=
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS