Cabdiwelli Gaas ayaa xilli uu sii dhacayo xilka qaadis sameeyay. Horjoogaha Puntland ayaa xilkii ka qaaday gudoomiyaha gobolka Mudug qaybta Puntland kuna bedelay mid kale. Xilka qaadistan ayaa lagu macneeyay mid gudoomiyuhu ku guuldaraystey inuu taageero ka keeno odayaasha Mudug.
Xasan Maxamed Khaliif (Abgaalow) ayaa xilkan soo hayay tan iyo 2015 xilligaas oo uu qayb weyn ka qaatey doorashada Cabdiwelli Gaas.
Doorashada maamulka Puntland ayaa la filayaa inay dhacdo bisha soo socota sideeda waxana ku tartamaya ilaa 30 musharxiin. Dadka indha indheeya siyaasada Puntland ayaa sheegay in Cabdiwelli Gaas oo baxayo hadayna musharixiintu isbahaysan.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS