X

Cabduwelli Gaas oo la sheegay inay diidey diyaarad u qaadi lahayd Dhuusamareeb

Cabduwelli Gaas ayaa la sheegay inay diidey diyaarad u qaadi lahayd Dhuusamareeb. Arrintaan ayaa loo sababeeyay in ay ka dambeysay in Diyaaradu aysan qaadeyn Boorsooyin aan la baarin maadama horay loo bartay in aan wax baaritaano ah aan lagu sameyn Boorsooyinka ay leeyihiin dadka Madaxda ah.



Mudo isjiid jiid kadib ayaa Diyaarada ay leedahay UN-ka waxa ay go’aan ku gaartay in aysan qaadin Madaxweyne Gaas iyo Masuuliyiinta la socotay ilaa laga baaro Boorsooyinka ay wataan taas oo keentay in Diyaaradu ay duusho iyada oo aan sidin wax rakaab ah.



Dhinaca kale Saraakiisha la socotay madaxweyne Cabduweli Maxamed Cali Gaas ayaa iyana diiday in la baaro Boorsooyinka uu wato madaxweyne Gaas iyo Madaxda la socotay.

Sikastaba dhammaan madaxda kala duwan ee tagtay Dhuusa Mareeb ayaa loo diiday in ay hubka la galaan Magaaladaas.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.